Duulimaadyadii Aadi Jiray Gobolada Dalka Oo Hakad Galay Iyo Sababta Keentay

684

Muran xoog leh ayaa Saaka ka taagan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay joogsadeen duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka sida ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaar ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha ayaa ka gadooday ka dib markii mid ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha la sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay

Dad ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegaya in dad badan oo rakaab, isla markaana kusii jeeday Gobolada dalka ay ku xayiran yihiin gudaha Garoonka, uuna weli taagan yahay muran xoogan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Guddiga ay ku mideysan yihii shirkadaha diyaaradaha, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin shirkada ka shaqeysa duulimaadyada ee loo diiday aadida Garoonka Doolow ee Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxayb Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdiso iyo hay’adda duulista raydika Soomaaliyeed oo ku aadan muranka saakay ka taagan Garoonka iyo shaqo joojintii la sameeyay