RW Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulan La Qaatay Guddoonka G/Shacabka

280

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseeen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka oo saacado qaatay looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka iyo xukuumadda la filayo in dhawaan uu soo dhiso Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Ra’iisul Wsaare Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey.

 

Kulanka ayaa ahaa mid uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub uga mahad celiyay doorkii ay Guddoonka Golaha Shacabka ka qaateen ansixintii Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo wada-shaqeynta laga sugayo xukuumadda uu soo Magacaabi doono iyo Golaha Shacabka.

 

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka loo igmaday, iyaga oo ugu baaqay in ka Shaqeeyo arrmo dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida Amniga doorashooyinka iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada Cusub, iyada oo ay jiraan qaar kamid ah Golihii hore ee xukuumadii Kheyre iyo Xubno kale oo dadaal ugu jira kamid noqoshada Xukuumadda Cusub.