Wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland oo kulan la qaadatay Bulshada Degmada Afmadow

209

Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa kulan la qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Afmadoow.

Kulankaan ayaa bulshada looga talagalinaya sida laga yeelayo mashariic hormarineed ee ay wasaaradda degmada ka fulin doonto dhawaan.

Shacabka ayaa laga dhagaystay baahiyaha degmadda iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shacabka ay leeyihiin doorkooda ugu muhiimsan ee ku aadan in ay soo gudbiyaan baahiyaha gaarka ah ee degmadda.

Waxaana la isla gartay in mashaariicdaasi laga dhigo dhismaha garoonka diyaaradaha, dhismaha wadada isku xirta garoonka iyo magaalada iyo sidoo kale in laga hirgaliyo magaalada leerarka caceeda ku shaqeeya.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in mashaariicdaan laga hirgaliyo degmadda Afmadoow.