Madaxweynaha Jubbaland Iyo Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Kulan Yeeshay

609

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

 

Kulanka dhexmaray Madaxweyne dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam  iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumaradii ugu dambeeyay ee Gobolka Banaadir iyo marxalada kala guurka ah.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Duqa Muqdisho uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu uga qeyb ahaa shirkii wadatashiga ee dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiiska uga gaareen Arrimaha doorashooyinka dalka.

 

Madaxweynha  Jubbaland Munade Axmed Maxamed Islaam  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana Madaxweynaha uu kulamo kala duwan uu la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo xubno kale oo farabadan.