Maxamed Xuseen Rooble oo Fariintiisii Ugu Horeysay u Diray Golaha Shacabka

268

Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan loo magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faariintiisii ugu horaysay diray tan iyo markii  lagu dhawaaqay sedex cisho ka hor, oo digreeto uu ku soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa fariintiisi waxaa si gooni ah ugu jeeday golaha shacabka ” Waxaa farxad ii ah inaan idiin la wadaago si sharaf iyo dareen mas’uuliyadeed leh,  kalsoonidii uu isiiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii ugu horreysay tan iyo markii la Magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaraha Cusub warbaahinta kasoo muuqday, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.

Haddii la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu si degdeg u soo dhisi doonaa Xukuumad cusub .