Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo kulan la qaatay xubno kasocday Ururada Bulshada Rayidka ah.

265

Waxaa ururada Bulshada Rayidka ah ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hanaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ayaa sidoo kale sheegay inay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.