DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaare cusub

729

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.

Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaa