Beesha Caalamka oo War kasoo saartay wada-hadallada ka socda Muqdisho

628

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeysay wada hadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana beeshacaalamku ay bogaadisay Madaxda Soomaalida sida ay  uga wada qayb-qaataan wada hadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho ee la filayo in dalka ay ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka danbe ee 2021.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Saaxiibada Caalamka* waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF). Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa siwadajir ah u soo saaray dalalka kala ah: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.