Maamulka Gobolka Banaadir oo baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

165

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in canshuurta ay bixiyaan shacabka dib loogu soo celin doono bilicdii Caasimada isla markaana wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah