
Madaxwayne ku-xigeenka DG Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa gudoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay golaha fulinta DG Jubbaland iyo Hanti dhawraha Guud ee Jubbaland.
Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga, Arimaha siyaasaddaj ee DG Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka.
Waxaa sido kale kulanka lagaga hadlay sidii lootakulaynlahaa Cidamada DG Jubbaland ee kujira difaaca iyo Gacan kusoo celinta Degaannada Jubbaland.
Waxaa sidoo kale kulankan warbixinno ku saabsan hawlohooda shaqo lagaga dhagaystay Hanti Dhawraha guud DG Jubbaland, wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee DG Jubbaland waxaana laga waraystay ardaydii gashay kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ee fasalka 12 ee dugsiga sarre waxaana lisla gartay in ardaydii kashay kalmaha hore ee degaannada Jubbaland lasiiyo abaal marin iyaga iyo iskuulaadkii ay kaalmaha ugaleen. Tobanka (10) arday ee ugu sareysa imtixaanka dalka, lix (6) arday oo kamid ah ayaa ah ardayda wax kabarata degaannada DG Jubbaland.
Waxaa sidokale xoglaga dhagaystay Wasaaradda Beeraha ee DG Jubbaland.