Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Ka Socda Mareykanka Oo Kulan U Socda

883

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Kulankaas oo looga hadlayo arrimo kala duwan ayaa waxaa uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin, waxaana Madaxweyne Farmaajo kulanka ku ku wehlinaya la-taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo amniga.

 

Xubno ka socda Wasaarada Difaaca Mareykanka iyo Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, ayaa fadhiga dalbaday, iyadoo madaxweynaha su’aalo laga weydiinayo waxyaabaha hortaagan ee uu u iclaamin la’yahay xiliga ay rasmi ahaan u qabsoomeyso doorashooyinka madaxtooyada iyo mida baarlamaaniga.

Waxaa sidoo kale lagala hadlaayaa arrimao la xiriira musuq maasuq iyo eex lagu sameeyay howlo la xiriira arrimaha dib u habeynta amaanka, iyadoo shalay arrimahan ay walaac xooggan ka muujisay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.