Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

905

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Madaxweyne Qorqoor ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir saddex geesood ah oo Maanta Baydhabo uga furmaya Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in shirka ay uga hadli doonaan sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen shirka la filayo in uu Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada uga furmo Muqdisho.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.