Dhageyso Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland oo amray in la dhiso maamulka Janaa Cabdalle

999

Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ciidanka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ugu hambalyey guushii ay ciidamada k gaadheen qabashada deegaanka Janaa Cabdalle oo dhinaca galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo una Jira ilaa 60km.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in loo baahan yahay hadda waxii ka danbeeya sidii maamul loogu samayn lahaa deegaanka Janaa Cabdalle  laga howlgalo sida  goob cafimaad, Iskuul, Saldhiga Booliska iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin bulshada ku dhaqan deegaanka Janaa Cabdalle.

Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in ay muhiim tahay in la isu furo wadda isku xidha Afmadow iyo Kismaayo si dadwaynaha    Jubbaland si nabad ah oo la isku halayn karro ugu isticmaalan.