Ciidanka Jubbaland oo xidhay wadooyinka soo gala Janaa Cabdalle

975

Ciidanka Danab iyo Ciidanka Daraawshita Jubbaland ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle ayaa saaka xidhay dhamaan Wadooyinka soo gala deegaankaas.

Ciidanka Danab qaybta Jubbaland oo war qoraal ah soo dhigay bartooda Twitter ayaa sheegay in deegaanka Jaana Cabdalle  iyo wadooyinka mara ay xidhan yihiin ilaa 5km oo dhinac walba ah loona baahan yahay inta la waddo howlgalka lagu sifaynaayo  kooxda argagixisada in shacabka ay ka fogaadaan meelahaas iyo dadka wadda gaadiidka.

Ciidanka daraawish-ta Jubbaland,Ciidanka xooga dalka ee Danab iyo Ciidanka Amison ayaa howlgal ka samaynaaya deegaanka Janaa Cabdalle oo Jimcadii aan soo dhaafnay kala wareegay Kooxda Argagixisada Al-shabaab.