Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland oo bilowday qorshe lagu dhisayo golaha deegaanka Afmadow.

900

Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland ayaa wadda qorshe golayaasha Degmooyinka Jubbaland loogu dhisaayo golaha deegaanka.

Qorshahaan oo soo socday mudo dheer ayaa hadda waxaa laga bilaabayaa Degmada Afmdow ee gobolka Jubada Hoose,waxaana marka degmadaasi la dhameeyo hanaankeeda dhismaha Golaha deegaanka la bilaabaya ilaa sagaal Degmo oo iyagana loo dhisaayo Golaha deegaanka.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la doonaya in ay ka qayb galaan Dhismaha Golaha deegaanka ee degmooyinka kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhalinyarada ku dhaqan degmada Afmadow ayaa markiiba soo dhaweeyey qorshaha ay wasaarada arimaha gudaha Jubbaland ku dhisayso Golayaasha deegaanada ee degmooyinka Jubbaland,waxaana Ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ka dhalinyaro ahaan ay ka qayb galaan dhismaha golaha deegaanka oo laga bilaabaayo degmada Afmadow.

Cabdiqaadir Dhaqane Cilmi oo ah gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Afmadow ayaa ka warbixiyey sida ay dhalinyarada Afmadow u doonayaan ay ka qab-galka dhismaha golaha deegaanka.

Maamulada degmooyinka Jubbaland ayaa horay waxaa u soo magacaabi jirtay wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland balse hadda waxaa soo dooranaya xildhibaanada golaha deegaanka dadwaynaha ku nool degmooyinka,taas oo horseedaysa in dadwaynaha ku nool degmooyinka ay hellaan maamul ay iyaga gacantooda ku soo doortaan,Kaas oo ka shaqeeya horumarka degmada iyo in dadka deegaanka ay hellaan adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin dadka ku nool degmadaasi.