W.Qorshaynta Jubbaland oo daah-furtay tababar ku saabsan qiimaynta Mashaariicda

702

Agasimaha Guud ee Wasaradda Qorsheenta iyo xirirrka calamiga Jubaland  Cabdiwali Maxamed Dhaqane ayaa tababar ku saabsan horumarin  iyo qiymanta masharicda u daah furay qaar ka mid ah  shaqalaha  wasaradaha Dowlad goboledka Jubbaland oo ka kala socda wasaaradaha xanaanada xoolaha,wasaarada waxbarashada,iyo wasaaddaMacdanta,tamarta iyo Biyaha.

Tababarkaan oo lagu qabtay xarunta wasaarada Qorshaynta ayaa  soconaya mudo sadex maalin ah, waxaana bixinaysa masuuliyiin ka socda wasaarada qorshaynta qaranka, ujeeda tababarkaan ayaa ah in wasaaradaha Jubbaland ay hellaan xirfadlayaal qabta shaqooyinka qiimaynta iyo dabagalka mashaariicda laga fulinaayo deegaanada kala duwan ee Jubbaland.

Jubbaland iyo Somaaliya inteeda kale-ba waxaa lagu fuliyaa mashaariic ay dadka soomaaliyeed ku taageeraan dalalka caalamka, mashaariicdaas oo u baahan in lixdii bilood hal mar la qiimeeyo,iyada oo laga eegaayo waxtar ka uu bulshada u leeyahay mashruucaas iyo in la ogaado sidii loogu talagalay in uu u socdo iyo in kale.

Agaasimaha guud ee Wasaarada qorshaynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa ka sheekayey Muhiimada Tababarkaan.

Wasaarada Qorshaynta   iyo iskaashiga Jubbaland ayaa ku howlan sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda dhinaca horumarinta  ee laga fulinaayo deeganada Jubbaland