Madaxwaynaha Jubbaland oo Ardayda Kaalimaha hore ka galay Imtixaan Qaranka u hambalyeeyey.

812

Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland isagoo xusay in sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo howlwadeenada kale ay halkaas kasii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in Tacliinta iyo barbaarinta Ubadka uu noqdo mid ahmiyad gaar ah la siiyo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Macalimiinta iyo waalidka ardayda kaalmaha hore galay sidii ay ugu dadaaleen Mustaqbalka ardayda iyagoo wakhti iyo dadaal dheer ku bixiyay sidii ay halka ay maanta joogaan usoo gaari lahayeen.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in lasii kordhin doono tasiilaadka ay Dowladu ku bixiso dhinacyada Waxbarashada iyo hormarinta Bulshada si ay usoo baxaan jiil Aqoon ku hogaamiya Mustaqbalka Shacabka ree Jubaland.