Wasaarada Qorshaynta Jubbaland oo qabatay Shir looga hadlaayo Xoojinta Mashaariicda horumarineed.

785

Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa qabtay shir looga hadlaayey dib eegista mashaariicda,waxaana Kulankaan diirada lagu saaray mashruuc horay uga socday Jubbaland iyo guud ahaanba Somaliya oo lagu magacaabo siyaasada loo dhan yahay qaybtiisa Jubbaland.

Mashruucaan waxaa ku midaysan wasaaradaha Beeraha,Kaluumaysiga,Xanaanada Xoolaha,Wasaarada dhalinyarada iyo Wasaarada haweenka

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotay wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland iyo Xafiiska qaabilsan mashaariicda midowga yurub ee wasaarada qorshaynta qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed dhaqane ayaa warbaahinta la hadlay markii uu shirka dhamaaday.

Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa mudooyinkii danbe waday qorshayaal lagu ogaanaayey baahiyaha ay qabaan dadwaynaha ku dhaqan deegaanada Jubbaland si loogu hello mashaariic lagu daboolo baahiyaha dadwaynaha Jubbaland.