QM Oo Ka Digtay Xaalad Halis Ah Oo Kusoo Wajahan Dalal Ay Ku Jirto Somalia

775

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday in xaalad halis oo macluul ah ay kusoo wajahan tahay Dalal ay ku jirto Soomaaliya, isagoo ka digay xaaladaas.

Antonio Guterres ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in muhiim ay tahay in laga hortego xaaladda Bani’aadanimo ee kusoo wajahan dalalka Burkina Faso, Afghanistan iyo Soomaaliya.

 

Xaaladaha dalalka ay Soomaaliya ku jirto kusoo wajahan ayaa waxaa kamid ah Cunto yari iyo Biyo yari baahsan oo saameyn karta dadka reer Guuraaga ah.

” Xaaladaha macluusha ah waa ay kasii dareysaa, waxaa uga sii daran dalalkaas dadka Shacabka ah waxaa dilaya Kooxo hubeysan oo aan naxeyn waana dhibaato kale oo daran ayuu yiri” Antonio Guterres.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu dhibaatooyin badan kusoo kordhiyay wadamada qaar oo uu saameyn ku yeeshay dhinaca cuntada maadaama badi dalalka xayiraad dhinaca socdaalka ah ay soo rogeen.

Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha macluusha ah ee kusoo wajahan dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo hadii aan wax laga qaban saameyn ballaaran reebi karta.