Madaxwaynaha Jubbaland iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay muqdisho.

776

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdiweli Sh Ibraahim Muudey.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Jubbaland  iyo Guddoomiye Muudey ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, Arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo Arrimo kale.

 

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Guddoomiye kuxigeenka iyo guud ahaan Golaha Shacabka waxaa uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya oo weli go’aan rasmi ah laga gaarin.

Madaxweynaha Jubaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana kulamo kala duwan uu la qaatay Safiiro, siyaasiyiin, Mas’uuliyiin iyo xubno kale, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.