Garoowe:- eedeysaneyaal kufsi loo haystay oo dambi lagu waayay

801

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa waxay xorriyadooda u celisay lix nin oo ku eedaysnaa Kiis Kufsi iyo dil ah, kaas oo sannadkii hore ka dhacay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay, dhegaysiga gar-maqalka Kiiska marxuumad, Hodon Axmed Maxamed Shanlayste, oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay Garoowe, ayaa ugu dambayntii sii daysay lix kamid ah, todoba nin oo u xirnaa Kiiska, kuwaas oo sida maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan wax dambi ah lagu waayay, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay oo loo adeegsaday Shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab.

Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa dhaarisay lixda Nin ee la siidaayay, halka midka todobaad ay garsoorasyaasha Maxkamadda sheegeen in uu kala hadlay,isla markaana baaritaano kale la marsiin doono.

Ehellada Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanleyste ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada,waxaana ay sheegeen in kiiskaan ay dayaceen laamaha amniga iyo garsoorayaasha Maxkamadda, isla markaana ay si fudud ku siidaayeen.