Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo xiran

965

Wadooyinka Qaar Ee Magaalada Muqdisho, Ayaa Maanta Xiran, Waxaana Ku Sugan Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Gaadiidka Dagaalka Ku Jaray Wadooyinka.
Gaadiidka Dadweynaha Ayay Ciidamadu U Diidayaan In Ay Maraan Wadada, Iyadoo Kaliya Waddooyinka Ay Isticmaalayaan Gawaarida Ciidamada Iyo Kuwa Wada Mas’uuliyiinta Dowladda.

Wadooyinka Xiran Waxaa Ka Mid Ah Wadada Makka Al-Mukarrama, Sidoo Kale Waxa Ay Xireen, Isgoysyadda Ugu Muhiimsan Muqdisho.

Ciidanka Ayaa Goobaha Xiran Ku Jaray Gawaarida Dagaalka, Dhagaxaan Iyo Bir.

Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Muqdisho Ayaa Saaka Isku Badalay Kala Wareeg, Waxaana Wadooyinka Muqdisho Lagu Arkaya Shacab Fara Badan Oo Lugeynaya.

Wali Si Rasmi Ah Looma Ogga Sababta Ka Dambeysa In Maanta La Xiro Wadooyinka Ugu Muhiimsan Muqdisho.