Mareykanka oo shaaciyay in Soomaaliya ku bixiyeen $5.3 bilyan wax natiiijo ahna aysan kasoo bixin

870

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dib u soo celinta Ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya ku bixisay lacag dhan $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, hayeeshee aysan jirin guul weli laga gaaray.

Cherith Chalet oo ah ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyada oo shaacisay in natiijooyinkii kasoo baxay xaalada Amni ee Soomaaliya iyo lacagaha ay bixiyeen aysan aheyn kuwo isku dhigma.

 
Waxaa sidoo kale inta ay khudabadda jeedinaysay waxaa ay soo hadal qaadday lacagaha canshuuraha ah ee Al-shabaab ka qaataan ganacsada, waxaana ay sheegtay Cherith Chalet in lacagahan ay soomaaliya ku bixiyeen ay iyo sidoo kale Natiijada kasoo baxda ayay ku sheegtay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Maraykanku la kulmeen.