Madaxweynaha Puntland oo ka baaqday socdaal uu ku imaan lahaa Muqdisho iyo Sababta

886

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siiciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday safar uu ku imaan laha magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya.

Deni ayaa qorshuhu waxaa uu ahaa in maanta oo Isniin ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaah Maxmed Cabdullahi Farmaajo, waxaana la filayay in Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam  ay soo gaaraan Muqdisho.

Wararkii u danbeeayay ee ka imaanaya Garoowe ayaa ku warramaya in Siciid Cabdullaahi Deni uu ka baaqday Socdaalkii uu ku imaan kahaa muqdisho, waxaana la sheegay in Maalinta berri ah uu imaan doono Madaxweynaha Puntland.