Wasaaradda Waxbarashada Somaaliya oo Sheegtay Waqtiga la Shaacinayo Imtixaanka

957

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Bare oo ka hadlayay kulanka sanadlaha  ee Wasiirka iyo ardyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bilaawga todobaadka soo socdo ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanka qaranka ee dugsiyada saree ee dalka waxaana uu sidoo kale sheegay inuu imtixaanka ka duwanaa kuwii hore ee usoo qabteen maadaama dalka uu ka jiray saameynta cudurka Covid-19.

Waxaa uu sheegay inay socoo qiimeynta ardaydii sanadkaan ka qeyb gashay imtixaanka sidoo kale ay socdaan howlihii sixitaanka Imtixaanka si Jaamacadaha dalka galaan Arday tayo leh.

Qaar ka mid ah ardayda ku sugnaa kulanka ayaa su,aalo weydiyeen kuwaasi oo ku aadan tayeynta waxbarashada dalka.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sidoo kale ka hadlay Manhajka waxbarashada oo dowladda Juhdi farabadan gelisay waxaana uu sheegay in ardayda danyarta la siindoono buugaagta manhajka si ay uhelaan fursadooda
In ka badan 34-kun oo ardayda ayaa u fariisteen imtixaankii shahaadiga ah ee dowladda, kaasi oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dalka.

Imtixaanka Iskuulada ayaa I8-kii bishii julay ee sanadkaan waxaana lagu qabtay 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-weyn ee gobollada dalka.