Qaxooti kasoo cararay Siiriya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

868

Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in Magaalada Dhuusamareeb Saacaddihii lasoo dhaafay ay soo gaareen qaxooti Suuriyaan ah.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay soo gaareen 10 qoys oo ah siiriyaan kasoo qaxay dagaalada ka socda dalkooda, safar dheer ayay soo galeen iyagoo dhowr magaalo oo soomaaliya ah soo marey ugu dambeyna Dhuusamareeb yimid si ay u helaan goob amni ah.

 

Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa u balan qaaday qaxootiga Sooriyaanka ah dhul ay dagaan hadii ay go’aansadaan in ay sii joogaan Galmudug, isla markaana ay heli doonaan gargaaryo kale oo Bani’aadannimo ah.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan inay jiraan qaxooti kale oo Sooriyaan ah, kuwaasi oo gaaray magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana halkaas loogu sameeyay dib u dejin iyo Gurmad.