
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNSOM.
15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda sii wadi doonaan ilaa 31-ka Bisha Agoosto sanadka 2021.
“Qaraarka Tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa u uka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan Joogitaankooda gudaha dhamaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.
UNSOM waxaa abuuray Golaha Amniga ee bishii Juun 2013 iyagoo taageeraya Dowladda Federaalka ah. Waxay la shaqaysaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, howlgalka nabad ilaalinta ee ay ansixiyeen Golaha Amniga.