Ciidanka Danab oo howlgal ka sameeyay Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

1017

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Kummaandooska DANAB ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal ka sameeyeen wadada u dhexeeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka Ciidamada Dowladda ayaa intii uu socday waxaa lagu soo saaray miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaasi oo la sheegay inay wadada ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Kummaandooska DANAB ayaa sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa miino baaris, isla markaana uu howlgalka sii socon doono, si shacabka ay nabad ugu safraan wadada u dhexeeysa Balcad iyo Jowhar

Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab    ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen  Miinooyin  Al-shabaab ay galiyeen inta udhexeeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.