Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo soo dhoweeyay Shirkii Garowe

884

War murtiyeed si wadajir u soo saareen Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxay ku soo dhoweeyeen shirkii wadatashiga Puntland iyo Jubbaland, iyagoo boggaadiyay inay talladooda ku biiriyaan habsami u socodkii iyo go’aamadii Shirkii Dhuusamareen 3.

Sidoo kale waxay soo dhoweeyeen shir ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Madaxdooda todobaadka soo socda tagaya Muqdisho, si loo dhammeeyo wixii is fahan darro ah ee jira, si loo ambaqaado u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeeda.