Maamul Goboleed Soo Dhaweeyay Xeerka Saxaafadda

891

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay Xeerka saxaafadda ee uu Madaxweyne Farmaajo Ansixiyay, waxaana  Galmudug ay noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo dhaweeya xeerkaas.

Axmed Shire Falagle oo ah wasiirka Warfaafinta maaamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xeerkani uu yahay xeer muhiim un ah warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaliyeed loona baahan yahay in la meelmariyo.

 

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in maadaama duruufo dhowr ah ay jiraan muhiimna ay tahay in la helo sharci ay ku Shaqeeyaan bahda Saxaafada ay taageerayaan Xeerka la ansixiyay,isla markaana ay u arkaan howl la qabtay.

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafadda,waxaana maamulkii ugu horeeyay ee kasoo horjeestay uu noqday Maamulka Puntland, halka ay cabasho ka qabaan Urrurada Saxaafadda Soomaaliya