Wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Jubbaland ayaa maanta kulan la qaadatay hay’adaha dowlada ee madaxa banaan sida Hay’adda dhulka Jubbaland,Gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland,Xafiiska hanti dhowrka Jubbaland.
Wasaarada ayaa sidoo kale waxaa ay kulan la qaadatay maamulka dekeda magaalada Kismaayo iyo masuuliyiinta garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Kulamada wasaarada qorshaynta ayaa salka ku haayey diyaarinta qorshaha shaqo ee hay’adaha Jubbaland ee shanta sanno ee soo socda iyo qorshayaasha horumarineed ee u qorshaysan madaxda hay’adaha kala duwan ee Jubbaland.
Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ee Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’adaha madaxa banaan ee Jubbaland looga baahna in ay wasaarada u soo gudbiyaan baahiyaha dhinaca mashaariicda horumarineed ee Jubbaland u baahan tahay si loo diiwaan galiyo.