Puntland Oo Muddo Kadib Bilowday Dhageysiga Kiiska Rag Kufsi Geystay

766

Maxkamadda darajada Koobaad ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta waxaa ay bilaawday dhageysiga dacwadda 7 Nin oo lagu eedeeyay fal kufsi iyo dil Magaalada Garoowe loogu geystay Haweeneey lagu Magacaabi jiray AUN Hodan Axmed Maxamed Shanleyste.

Falka dilka iyo Kufsiga ee raggaan loo heysto ayaa Magaalada Garoowe waxaa uu ka dhacay 11-kii Bishii April ee sanadkii 2019, waxaana ragga loo heysto dhowr jeer la horgeeyay Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Nugaal.

 

2-ka bishii February ee 2020 ayaa Xeer Ilaaliyaha guud Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan Maxkamadda horteeda ka sheegay in qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, dalbadeen in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah.

Intaas kadib mar kale ayay Maxkamadda darajada 1aad ee Gobalka Nugaal dib u bilowday dhageysiga Kiiska ragga loo heysto falka loo geystay marxuumad Hodan Shanlayste, iyadoona xiligaas kadib Maanta la bilaabay dib u dhageysiga Kiisasas.

Si kastaba Allaha u naxariistee Marxuumad Hodan Shanlayse ayaa waxaa aheyd Haweeney xaas ah, waxaana fal isugu jiray dil iyo kufsiga Magaalada Garoowe loogu geystay 11-kii bishii April sanadkii 2019.