Maxkamadda G/Banaadir Oo Xukuno Adag Ku Riday Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Caafimadka

721

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay musuq maasuqeen hantida Dadweyne.

Ehelada eedeysanayaasha iyo marqaatiyaal ayaa ku sugnaa gudaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, iyadoo halkaasi u tagey dhagaysiga xukunka maxkamadda  Gobolka Banaadir .

 

Mas’uuliyiintaan ayaa lagu riday xukuno Xabsi ah halka qaarkood las iidaayay markii dambi lagu waayay,waxaana mas’uuliyiintaas ay kala yihiin.

1: Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

2: Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay fal la xiriira xatooyo Xoolo Dadweyne, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

3: Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Abshir Maxamed oo lagu helay xatooyo xoolo dadweyne, waxaana lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

4: Madaxa mashruuca mallaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1183.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la siidaayo 5 kale oo kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in dambi lagu waayay.

Hoos Ka Akhriso Xukunada Masuuliyiinta Iyo Shaqaalaha Ka Tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.