Howlgal Qorsheysan Oo Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

812

Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa Magaalada gaalkacyo qeybta Galmudug ka bilaabay howlgallo lagu sugayo Ammaanka, kaas oo laga sameynayo wadooyinka dhex-mara Magaalada.

Howlgalka ayaa ah mid ka dhan ah gadiidka leh muyaaradaha madoow ee beensalka loo yaqaano,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud loogana warqabo cidda saaran gaadiidkasta oo soo gala magaalada Gaalkacyo.

 

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howlgalka ka socda Magaalada Gaalkacyo uu yahay mid lagu doonanayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan, waxaana falalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.