Bayern Munich Oo Markeedii LIXAAD Ku Guuleysatay Koobka Champions League, Kaddib Markii Ay Guul Dirqi Ah Ka Qaateen PSG… +SAWIRRO

894

 Bayern Munich ayaa markeedii LIXAAD ee taariikhda ku guuleysatay koobka Champions League, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga qaaday kooxda Paris Saint-Germain 0-1, kulankii fiinalka ahaa ee ka dhacay garoonka The Estadio da Luz.

Qeybta hore ee ciyaartii adgkeyd ee finalka UEFA Champions League ayaa lagu kala maray barbardhac 0-0 ah, ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay wiilka reer France ee Kingsley Coman, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joshua Kimmich.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-1 ay kaga adkaatay Bayern Munich kooxda Paris Saint-Germain, waxayna kooxda reer Germany sidaas ugu guuleysatay koobka Champions League markeedii lixaad ee taariikhda tartankan.