
Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku geeriyooday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Xasan Ciise.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe, hayeeshee goordhaweyd xanuunii haayay uu u dhintay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cudurka Corona virus inkastoo wali aysan xaqiijin arintaasi laamaha Caafimaadka maamulka Puntland.