
Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu shir Guddoominayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.
Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.
Waxaa ay sidoo kale sheegay in aan la marsiin karin akhrinta koowaad loona baahan yahay in wax ka badal lagu sameeyo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dalbanaya in laga doodo Arrimaha doorashooyinka.