Madaxweyne Deni oo qorshaha cusub ee DF ku tilmaamay mid dalka dib u dhigaya

313

Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii dowlad goboleedka Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe maalmihii u dambeeyey ay la soo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirarkii horay uga dhacay Dhuusamareeb ay la tageen wanaag, hayeeshee shirka soo socda ay la tegi doonaan la xisaabtanka Madaxda Sare ee Dowladda maadaama sida uu sheegay in Madaxda Sare ay ka baxeen wayxaabo ay ku heshiiyeen.