
Kooxda Liverpool ayaa xalay mudo 30 sano kadib ah lagudoon siiyay koobkeedii ugu horeeyay ee horyaalka Ingiriiska kadib kulan ay garoonkeeda kula yeelatay kooxda Chelsea.
Liverpool ayaa kulankii xalay 5-3 kaga badisay kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Chelsea. Liverpool ayaa xaqiijisay in ay ku guuleesay horyaalka 25’kii bishii hore ee June iyadoona ugu danbeen xalay garoonkeeda lagu gudoon siiyay.
.
Laakiin haatan waxa ay si Rasmi ah kor ugu qaadeen ku guulaysiga horyaalka premier League kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay ku riyaaqeen xilli ciyaareedka.