Laba Madaxweyne Maamul Goboleed oo gaaray Magaalada Garoowe

829

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed
iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

 

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa Maadxweyneyaasha maamulada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo xubno ka tirsan Maamulkaas.

 

Saacad ka hor waxaa Magaalada Garoowe gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdillaahi si ay uga qeyb galaan.

 

Aaska Allaha ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynahii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.