Kulan dhexmaray Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed

637

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan ah la qaatay qaar kamid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Khaliif C/qaadir Macallin Nuur.

 
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sheekh Cali Wajiis, Sheekh C/qaadir Soomow iyo Culumaa’uddiin kale oo Soomaaliyeed, waxaana inta uu socday looga hadlay Arrimo kala duwan.

 

Kulanka Guddoomiyaha MXQ ka hor waxay culumaa’uddiinkan Soomaaliyeed la soo kulmeen Madaxweynihi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaanka sare ee Madasha XQ kamid ah.

 

Kulamada kala gaar gaarka ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda dalka, marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka iyo shirka Mudullood ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.