Wasaarada Beeraha Jubbaland oo beeralayada ka caawinaysa Sida ayaxa looga hortago.

220

Wasaarada Beeraha iyo Waraab-ka Jubbaland ayaa bilowday Olole balaadhan dadka beeralayada looga wacyigalinaayo sida looga hortaga cayayaanka ayaxa oo ah cayayaan baabi’iya dalagyada beeraha.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha Jubbaland ayaa sheegay in wasaarada ay Todobadyo ka hor tababartay 30 dhalinyaro oo dadka beeralayada ka caawisa sida loo isticmaalayo sunta ayaxa iyo agabka kale looga hortago Ayaxa.

 

Maxamed Mustaf Xirsi ayaa sheegay in kooxa wacyigalinta ay Ololaha wacyigalinta ka bilaabeen sodon tuulo oo hoos imaada Degmada Kismaayo hadana ay shaqadu u socoto si wanaagsa.