
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa goddomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh, waxaa uu ku eedeeyey inuu jabiyey dastuurka, kadib markii guddoomiyaha uu ka dhawaajiyey in sharciyada qaar aysan khuseynin golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labada goole ee Baarlaamaanka ay yihiin kuwo iskorjoogteynaya, sidaas darteedna hadalka guddoomiyaha uu ka hor imaanayo dastuuurka dalka, waxaana sidoo kale uu ku eedeeyey xukuumadda wada shaqeyn la’aanta golaha aqalka sare oo ah mida ugu muhiimsan sida uu hadalka uu u dhigay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu Madaxweyne Deni tilmaamay in aan lagu Casuumin Munaasabadihii loogu dabaal-gayay maalmaha Xorriyada, wuxuuna xusay in arrintaas ay abuuri karto arrimo aan Bulshada u wanaagsaneyn.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadanayan, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in khilaafyada jiro xal laga gaari doono.