Maxkamadda Ciidamada oo bilaawday baarista dilal dhacay

681

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad iyo saraakiil kale oo katirsan guudada 5 aad qeybta 27aad ayaa siwada jir ah ugaaray deeganka kalabeyr oo 25 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyneee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmahaan  ka jireen shiqaaqoyin qabiil.

 

Maxkamada ciidamada oo ka duuleyso awaamirtii madaxda sare ee dalka ayaa kulan la qaadatay odiyaasha dhaqanka deegankaasi oo ka kooban labada dhinac oo ay dirirtu dhaxmartay.

 

Odhiyaasha dhaqanka deeganka ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay shaqada ay maxkamadu kawado deeganno dhowr ah sida deegaanka jawiil iyo xadka Galgaduud iyo Hiiraan oo maalma kahor ay ku guuleysateen  inay hishiis kala dhaxdhigaan dadkii ku dagaalamayay

 
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed  oo baaritaanno ka bilaabi goobta dilka ka dhacay ayaa codsaday in sharciga ay gacan ku siiyaan si looga gul gaaro qaswadayaasha.

 

Guddomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamad Amiin Cabdule Aadan ayaa odoyaasha u sheegay in cid walba oo isku dayda in ay kiciso shaqaaqa qabiil ay maxkamadu gacan bir ah ku qaban doonto