Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada Magaalada Qardho

700

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan looga hadlayay amniga waxaa ka wadaa qeybo ka mid ah magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho ee Xarunta gobolka Bari
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xireen loo sameeyo magaalada si looga gashaanto daadadka kusoo fataha magaalada ee u gaystey khasaaraha naf iyo duunyoba leh.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay tababar Magaalada Qardho ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland,waxaana la filayaa in uu kulamada halkaasi kasii wado.