Deni “Puntland ma aqoonsan doonto Natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti”

803

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka maamulkaas, isagoona Munaasabdda furitaanka ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan.

 

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka shalay Magaalada Jabuuti uga furmay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 
Khubadda Madaxweyne Deni oo aad u dheereyd ayaa waxaa uu ugu baaqay Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isugu’ yimaadaan kulan looga tashanayo hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

 

Waxaa uu soo hadal qaaday wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka & Soomaaliland uga socdo dalka Jabuuti,waxaana uu sheegay in shirkaasi Puntland qeyb ka aheyn,isla markaana aysan aqbaleyn natiijada kasoo baxda

 

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Magaalada Jabuuti.