Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Loo Haysto Xubno Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka

284

Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ka bilaabatay dhageysiga Dacwada xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, kuwaasi oo kal horey loo jeediyay eedeeymo Culus.

 

Maxkamadda ayaa dhageysaneysa Dacwada 10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana ku eedeeysay arrimo la xiriira Musuq-maasuq, waxaana dadkaas kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumdda Cabdullaahi Xaashi

 
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa horey u sheegay in isaga oo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq.

 

Edeeysanayasha oo todobaadyadii danbe xirnaa ayaa maanta maxkamadda la horgeeyay si dacwadooda loo dhageeysto.