Mareykanka oo War kasoo saaray Baaqii Aqalka Sare

732

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Aqalka Sare ku dhex galayo, guddina ugu saarayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale uu ammaanay sida ay u ajiibeen inta badan dowlad goboleedyada.

 

“Mareykanka waxaa uu ku baaqayaa kulan degdeg ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, Dastuurka KMG waxaa u saldhigayaa wada hadal iyo wada shaqeyn dhexmara dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo qodobka 51(3) kaas oo dhigaya in ugu yaraan Madaxweyneyaasha ay ugu yaraan sanadkii kulmaan haljeer” ayaa lagu yiri qoraalka.

 
Madaxda DFS iyo M/Goboleedyada waa inay muujiyaan hogaan geesinimo leh iyagoo meel iska dhigaya kaladuwanaashaha si loogu heshiiyo qaab waqtigeedii ku haboon, loo dhan yahay oo hufan oo loogu talagalay doorashooyinka qaran; xallinta kala-qaybsanaanta siyaasadeed u midoobaan la dagaallanka Al-Shabaab in dib loo eego Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda Mareykanka.

 

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay go’an inay taageerto dadka Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay inay horumariso hadafyadayada iyo himilooyin mustaqbalka Soomaaliya