Duqa Muqdisho “Ma aqbalayno Matalaad ka hooseysa tan Maamul gobaleedyada

232

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo lagu taageerayay arrimaha ku saabsan Matalaadda Muqdisho iyo maaq u sameynteeda oo maalmihii dambe si weyn looga hadal hayay dalka.

 

Isaga oo bolaal shacab ah kula hadlayay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in heerkaan uu soo gaaro qorshaha matalaada Muqdisho isaga oo tilmamaay in uu ka mahadcelinayo madaxweynaha Soomaaliya oo codsi ku aadan arrintaan hor dhigay aqalka sare.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in aysan ahey wax la aqbali karo in gobolka Banaadir lasiiyo matalaad ka hoosaysa tan maamul gobaleedyada.

 

Ugu dambeyn Shacabka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu uu baaqay inay is dejiyaan,isla markaana xildhibaannada labada Aqal ay ka sugayaan wax u wanaagsan Shacabka, iyaga oo ka jawaabaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare