Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir “Waxaa jira dad diidan maqaam u sameynta Muqdisho

717

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlay arrinta maalmihii dambe muranku ka taagnaa ee maqaamka u sameynta Muqdisho.

 

Guddoomiye Thaabit ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan dad diidan in  Muqdisho metelaad sax ah hesho, balse ay cadaaladdu ku jirto in dadka Muqdisho ay iyagu aayahooda ka tashadaan.

 
Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan.

 

Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan

 

Ugu dambeyntii guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi ayaa qoraakiisa ku yiri, “Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.”